Natiijada Kullanadii Maanta La Ciyaaray Ee Koobkii Gobollada Somaliland

 

Boorama(SLPost) – Maalintii labaad ee koobka gobolada Somaliland ayaa waxaa ku maanta iska horyimid kooxaha Maroodijeex iyo Buuhoodle oo wada ciyaaray iyo kooxaha Xaysimo iyo Badhan oo wada dheellay.

 

Ciyaar xiiso badan oo labada kooxood ee Maroodijeex iyo Buuhoodle oo kuwada jira Kooxaha ugu adag(Group of dead) ee ciyaaraha gobolada ayaa galabta kuwada ciyaaray garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorama. Ciyaarta oo ahayd mid adag islamarkaana xiiso badan ayaa guushu raacday kooxda Maroodijeex kadib markii ciyaartu ku dhammaatay  saddex iyo laba (Maroodijeex 3:2 Buuhoodle).

 

Geesta kalena waxaa garoonka Burco ee xarunta Togdheer kuwada dheelay xulalka gobolka Xaysimo oo xaruntiisu tahay Taleex iyo xulka Badhan, waxaana ciyaar xiisa leh kadib guushu raacday kooxda Xaysimo oo laba iyo Eber ku diray kooxda Badhan( Xaysimo 2:0 Badhan).

 

Wajiga hore ee ciyaaraha gobolada Somaliland oo si habsami ah uga socda xarunta Awdal ee Boorama iyo xarunta Togdheer ee Burco waxaa barri Boorama isku haleelaya Gobolka Saaxil iyo gobolka Salal, halka Burco ay kuwada ciyaari doonaan gobolada Sanaag iyo Saraar