Natiijada Kulan Qarsoodi ah oo Nairobi ku Dhexmaray Wufuud ka socota Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia

Somalilandpost NewsNairobi (SLpost)- Dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Iskula Qaatay Heshiis Iskaashi oo dhanka Ammaanka ah, si loola dagaalamo argagixisada, budhcad-badeedda iyo fal-dambeedyada la soo maleego.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, balse sida ay tibaaxayaan warar u dhuun-daloola kulankaas, saraakiil ka kala socota Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa todobaadkan kulamo gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi. Masuuliyiinta Somaliland ee kulanka ka qayb-galay waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya. Halka Maamul-goboleedka Puntland ay goob-joog uga ahaayeen Wasiirka Amniga iyo xubno ka socday sirdoonka maamulkaas.

Shirka labada dhinac oo ay suurto-galiyeen dibloomaasiyiinta dallaka Ingiriiska, Sweden iyo Maraykanka ee Nairobi, ayaa nuxurkiisu ahaa sidii ay labada dhinac uga wada-hadli lahaayeen iskaashi ay ka yeeshaan la-dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan ururka Al-Shabaab.

Sida ay tibaaxayaan wararka laga helayo shakhsiyaad ku sugan Nairobi, qodobbada kulankaas lagaga wada-hadley waxa ka mid ahaa in lays-waydaarsado xogaha ku saabsan argagixisada, budhcad-badeedka iyo Dadka dambiyada geysta ee xuduudka isaga gudba.

Waxa kale oo labada dhinaca isla qaateen inay si firfircoon isu dhaafssadaan xogaha ku saabsan wakiillada Kooxda Al-Shabaab ee ka hawl-gala Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland. Sidoo kale, waxa kale oo lagu heshiiyey in sirdoonka labada dhinacba ay si wada-jir ah su’aalo u weydiin karaan shakhsiyaadka loogu shakiyo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Kulanka qarsoodi ah ee dhex-maray labada dhinac oo aan si rasmi ah debedda ugu soo shaac bixin, ayaa haddana lagu sheegay in natiijada heshiiska labada dhinac uu caqabad ku noqon karo hawl-gallada kooxda Al-Shabaab ee Mandaqadda.

Sida La ogyahay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa bishan  horaanteedii socdaal ugu ambo-baxay dalka Kenya isaga oo aan wakhtigaas tafaasiil ka bixin ujeeddada socdaalkiisa.

Md Duur oo dalka ka amba-baxay maalintii weftiga madaxweyne Siilaanyo dalka Turkiga ka soo laabtay, ayaa magaalada Hargeysa ka raacay diyaaraddii sidday Weftiga Madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET

COURTESY: allafrica