Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ka socda Bangiga Horumarinta Islaamka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Baanka Horumarinta Islaamka oo booqasho ku joogay dalka afartii maalmood ee u dambeeyey.

Kulankan oo madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku wehelinayeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa labada dhinac kaga wada-hadleen qorsheyaal Bangiga Horumarinta Islaamku ku hawlan yahay sidii uu dalka uga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo isugu jira dhinacyada waxbarashada, arrimaha Bulshada iyo Deegaanka.

Madaxweynaha iyo weftiga baanka IslaamkaMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay weftiga ka socda baanka horumarinta islaamka booqashadooda Somaliland iyo mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan dalka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sheegeen inay dalka ka wadaan mashaariic ay ku horumarinayaan cisbitaalka guud ee Hargeysa, xarunta agoomaha Caasimadda iyo xarunta agoomaha magalaadda Gabiley.

Afhayeenka madaxtooyadu waxa uusheegay in madaxweynaha iyo weftigani isku waafaqeen in Somaliland iyo Baanka Horumarinta Islaamku ay xidhiidhkooda kor uga sii qaadaan heerka uu immika tagan yahay.

SOMALILANDPOST.NET