Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland Oo La Shaaciyey iyo Arrimaha ku Cusub Sannadkan

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo H/Dhexe ee gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Somaliland Daa’uud Faarax oo ay weheliyaan Wasiirka Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare.

Imtixaanka Shahaadiga ah Oo ay sannadkan ay u fadhiisteen 38,712 Arday oo isugu jiray 15,688 arday oo dugsiyada Sare iyo 23,024 arday oo dugsiyada Hoose Dhexe ah, kuwaas oo wax ka baranayey 176 dugsi oo kuwa Sare ah iyo 618 dugsi oo kuwa Dhexe ah.

Advertisement

Waxa kale oo Sannadkan imtixaanka u fadhiistay 248 arday oo wax ka barta 4 dugsi oo kuwa farsamada gacanta ah.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Follow us On