Natiijada Hordhaca ah ee Codbixintii Doorashada Baarlamanka Jabuuti oo muujisay Inay aad isugu Dhowyihiin Muxaaradka iyo Mucaaradku

Jabuuti (SLpost)- Natiijada hordhaca ah ee doorashada barlamaanka dalka Jabuuti oo lagu dhawaaqay, ayaa tilmaamaysa in isbahaysiga UMP ee talada dalkaas haya uu ku horreeyo tirada kuraasida Baarlamanka.

Doorashadan oo shacabka dalkaasi codbixinteeda u dareereen Jimcihii shalay, ayaa natiijadeeda hordhaca ahi tilmaamaysaa inay aad isugu dhow yihiin isbahaysiga talada haya ee UMP ee isbahaysiga mucaaradka ee USN.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane ayaa sheegay in isbahaysiga talada haya ee UMP uu helay 49% codadka la tiriyey, isbahaysiga ugu weyn ee USN oo helay 47.54% halka xisbiga CPU uu isaguna helay 3%.

Doorashada JabuutiXukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in doorashada ay u dhacday si xor ah, laakiin mas’uul u hadlay xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in doorashada la musuqmaasuqay.

Afhayeenka xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaa markii natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqay waxa uu wariyeyaasha ugu sheegay inaanay ku qanacsanayn natiijada, isagoo sheegay inay muraaqibiintii u joogtay goobaha codadka laga dhiibanayay  ay hayaan tirada codadka.

Doorashada oo ay ahayd tii ugu horreysay ee xisbiga muraadka ahi sida weyn uga qayb-qaataan, ayaa lagu wadaa in natiijadeeda lagu dhawaaqo laba maalmood ee soo socda.

Somalilandpost.net/Hargeysa