Natiijada Doorashada Kenya oo la Shaaciyey iyo Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo Ka Soo Horjeestay

Nairobi (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka ee dalka Kenya, ayaa galabta shaaciyey natiijada doorashada madaxweynaha ee dalkaas.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kenya, Wafula Chebukati, ayaa shaaciyey in Dr William Ruto ku guulaystay Doorashada madaxtooyada isla markaana uu helay in ka badan Toddoba Milyan oo Cod, taas oo ka dhigan boqolkiiba 50.49 codadka guud ee la dhiibtay.

Raila Odinga oo markii shanaad isu sharraxay jagada madaxweynaha Kenya, ayaa helay codad gaadhaya 6.9 Milyan oo u dhiganta boqolkiiba 48.85 codadka guud ee la dhiibtay.

Haseyeeshee, shaacinta natiijada doorashada ayaa kala qaybisay xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Kenya, iyadoo ay ku gacan-saydheen Afar xubnood oo ka tirsan guddiga, kuwaas oo ay ka mid tahay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Juliana Cherera.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo shir-jaraa’id ku qabtay Hoteelka Serena ee Nairobi, waxa ay iska fogeeyeen inay qaadaan masuuliyadda natiijada codbixinta oo ay ku tilmaameen inuu mad-madow ku jiro, balse ma jirto faahfaahin intaas dheer oo ay sheegeen.

Dr William Ruto, ayaa noqonaya madaxweynihii Shanaad ee dalka Kenya yeesho tan iyo xilligii uu waddankaasi xoriyadda ka qaatay boqortooyada Ingiriiska.

KHARIIRADDA KENYA: Gobollada uu Raila Odinga ku guulaystay (Blue) iyo gobollada .William Ruto (Yellow)

Lama garan-karo in go’aanka ay xubnaha Guddigani shaaciyeen uu sababi doono qalalaase hore leh oo ka dhaca dalka Kenya oo sannadkii 2007-dii uu ka dhacay qalalaase ka dhashay natiijada Doorashada madaxtooyada, waxaana xilligaas doorashada madaxtinimada u tartamay Raila Odinga iyo Moi Kibabi.

Moi Kibaki ayaa loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay 46% codadkii la dhiibtay, waxaana xilka madaxweynaha loo dhaariyey 30kii December 2007, haseyeeshee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa dhankiisa ka sheegay in uu doorashada ku guulaysto, waxaanay taas ka dhashay qalalaase sababay dhimashada dhowr boqol oo qof iyo barakaca ilaa 600,000 oo qof.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net