Natiijada Ciyaartii Galabta ee Tartanka Xulalka Gobollada Somaliland iyo Ciyaaro Adag oo Berri dhacaya

 

Hargeysa (SLpost)- Ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsan tartanka Gobollada Somaliland, ayaa maanta Garoonka Hargeisa Stadium ku dhex-martay xulalka gobollada Sanaag iyo Saaxil oo ka wada-tirsan Group B, waxaanay Guushu raacday xulka gobolka Sanaag.

Xulka Gobolka Sanaag ayaa Laba Gool iyo Hal kaga badiyey Xulka Gobolka Saaxil oo ay dhex-martay ciyaar aad u xamaasad badan. Labada xulba waxa ay soo bandhigeen hannaan ciyaareed hufan kuna dhisan Weerar iyo Weerar Celis.

Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay Hal gool oo uu Gobolka Sanaag u saxeexay Ciyaartoyga lagu magacaabo Shulaac.

Markii la isugu soo noqday qaybta labaad ee Ciyaarta ayaa Labada Xul waxay la gole yimaadeen qaab ciyaareed farsamadiisu sarayso. Hasa Yeeshee Kubad si fiican looga soo Shaqeeyay ayaa Ciyaartoyga Xulka Gobolka Sanaag u sita Nombarka 11 uu ku hubsaday Goolka Gobolka Saaxil.

Xulka Gobolka Saaxil ayaa qaybtii labaad ee Ciyaarta waxaa Kaadhka Cas ka qaatay mid ka mid ah Ciyaartoygooda.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Saaxil Waxay la yimaadeen Goolkoodii Madiga ahaa oo uu u Saxeexay Ciyaar-yahanka lagu magacaabo Cabdicasiis Boqorka waxayna Ciyaartu ku soo dhamaatay 2 Gool iyo 1 ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Sanaag.

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee xulalka Gobollada Somaliland, waxa barbar-socday tartanka Basketball-ka oo ay xulalka gobolladu ku ciyaaraan garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargeysa.

Tartanka Ciyaaraha goboladda Somaliland oo Jimcaha Berri galaya maalintii saddexaad, waxa gelinka dambe ee Berri dhici doona laba ciyaarood, waxaana Isku haleeli doona xulalka gobollada Awdal iyo Badhan oo ku wada Jira Group C iyo Gebilay iyo Sool oo ku wada tirsan Group D.

Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland
Shaxda Isku-aadka Xulalka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net