Nairobi: Raila Odinga oo Casho-sharaf u sameeyey Weftiga Madaxweynaha Somaliland (SAWIRRO)

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf ahayd oo Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Mudane Raila Odinga u sameeyay weftiga Somaliland oo maalintii saddexaad ku sugan dalkas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay Mudane Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.