Nairobi: Arrimaha lagaga hadlay Shir Caalami ah oo Somaliland lagu marti-qaaday

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka warbixiyay shir ay dhawaan dalka Kenya kaga qayb galeen isaga iyo wasiirka Horumarinta maaliyadda Somaliland.

Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qayb galeen safiirro ka socday waddamada beesha caalamka, Haayadaha caalamiga ah qaarkood iyo kuwa qaadhaan bixiyeyayaaha ah.

Wasiirku waxa uu ujeedadda shirkaasi ay kaga qayb galeen ku tilmaamay inuu qayb ka ahaa shirarka ay la yeeshaan hay’adaha iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha, isagoo xusay in shirkaasi lagaga wadahadlayay kaalmooyinka ay hay;aduhu siiyaan Somaliland iyo saamaynta dhaqaale ee uu sababay xanuunka saf-marka ah ee Covid19, gaar ahaana wadamada uu marka horeba dhaqaalahoodu hooseeyay oo ay Somaliland na ka mid tahay.

Md Xasan Gaafaadhi ayaa arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net