“Nabadgelyada Somaliland naguma joogto wax qof ku ciyaaro ama uu xukuumad ku Ruxdo, ku Ruxan mayno…Muuse Biixina waxaan qirayaa…”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa wax laga xumaado oo danta Qaranka ka hor-imanaya ku tilmaamay Dad uu sheegay inay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo liddi ku ah ammaanka dalka iyagoo uu sheegay inay la ficiltamayaan xukuumadda maanta jirta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ex-wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu ku gooddiyey inaan la aqbali karin in gor-gortan la geliyo ammaanka iyo nidaamka kala-dambaynta dowladnimo ee Somaliland, waxaanu baaq u diray dad uuu ku tilmaamay inay faraha ku hayaan xaalado aan u adeegayn ammaanka Guud ee dalka.

“Dalkeenna maalmahan waxa jira qaar ku kaftama nabadgelyada; waxay ku had-hadlaan waa nabadgelyadii iyo noloshii dadka oo ay ku ciyaarayaan. Nabadgelyada iyo Jamhuuriyadda Somaliland naguma joogto wax qof ku ciyaaro, ama uu ku kaftamo ama uu xukuumad ku ruxdo. Xukuumad ku ruxan mayno, shalay baanu xil haynay, maanta waxba ma hayno, waanu ku taageeraynaa; waxaanu ku taageeraynaa nabadda, waxaanu ku taageeraynaa wax-qabadka,” Sidaas waxa yidhi Cabdilaahi Cukuse oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ballaadhan oo lagu dhagax-dhigayey Ceel-biyood laga hirgelinayo deegaan ka tirsan Degmada Sallaxley ee gobolka Hawd.

Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu garab-taagnaanaynaa cid kasta oo nabadgelyada hiil u ah. Waxaanu ka dhinac nahay oo ka soo horjeednaa cid kasta oo nabadgelyo-darro ehel u ah. Muuse Biixi-na waxaan qirayaa inuu yahay nin horena u soo halgamay, maantana la filayo inuu ka keeno guushii ugu weynayd, taladii Illaahay hadduu u dhiibayna waxaanu Illaahay u baryeynaa inuu la qabto wixii uu muddaba dheer doonayey ee uu ku taamayey ee wanaag ah inuu dalkani noqdo. Waxaan leeyahay kuwa qawadaya, waar iimaansada wali labadii sanno muu dhammaysanine,” Sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com