“Nabaddu awooddii ay lahayd xukuumaddan maanta joogtaa ma galiso; nabadda dhaqaale ayaa…” – Ex-wasiir Duur

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dusha ka saaray masuuliyadda wax-ka-qabasho la’aanta colaadda soo noq-noqota ee deegaanka Ceel-Afweyn, waxaanu ku eedeeyey inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa inay ka gaysato dedaallada nabadeynta.

Maxamed Nuur Carraale oo soo qabtay Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu ku baaqay in wada-jir looga hawl-galo xal-u-helidda colaadda soo noq-noqonaysa ee Beelaha deegaanka Ceel-Afweyn.

“La garan maayo guusha ay iska gaadhayaan aan ka ahayn dhiig, qax iyo burbur, way innaga hadhi wayday, inaynu sug maaha, waxaynu u baahannahay, inaynu is-weydiinno maxaa qaldan oo meeshani u bogsan wayday,” Sidaas ayuu yidhi Ex-wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo hadalkan ka jeediyey munaasibad kulmisay siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo shaqsiyaad kale oo maanta ku qabsoontay Hargeysa.

Mr Duur waxa uu isbar-bardhigay doorka ay ka qaadan jireen dedaallada nabadeed ee xukuumadihii dalka soo maray, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in xukuumadda xilligan jirta ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gaabisay doorkeedii nabadeynta.

“Nabaddu awooddii ay lahayd, xukuumaddan maanta joogtaa ma galiso; nabadda dhaqaale ayaa la gelin jiray, gurmad baa la gelin jiray, socod baa la gelin jiray, intiiba way maqan tahay. Intii shacabku waxaad mooddaa laba jeer ee culimada aynu dirnay inay ku eegtahay. Siyaasadna igama aha ee waxaan leeyahay aan ku darsanno dareennada jira,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com