Nabad ilaaliyayaasha QM ee Mali oo islaayay

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in laba ka mid ah nabad ilaaliyayaasheeda ku sugan saldhig ku yaal waqooyiga Mali uu toogtay askari u dhashay dalka Chad, kaasi oo sidoo kale ka mid ah howlgalka Qaramada Midoobay.

Askariga weerarka gaystay ayaa la xiray, iyadoo hal qofna uu sidoo kale ku dhaawacmay xerada ku taal gobolka Kidal, halkaasi oo bishii la soo dhaafay, nin kale oo u dhashay dalka Chad oo ka tirsanaa nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay uu ku dilay taliyihiisii iyo dhakhtar.

Waxaa jiray xiisado la xiriira xaaladaha nolosha ee goobtaasi.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay isku dayaysaa in ay nabadda dib ugu soo celiso waqooyiga dalka Mali, halkaasi oo sanadkii 2012 ay la wareegeen koox jihaadi ah iyo xulafadoodii Tuareg-ga ee gooni u goosadka.