Muxuu Weftiga Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex ku soo arkay Degaanka Soomaalida Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex oo muddo laba maalmood ah hawlo shaqo ugu maqnaa Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Dr Cali Suudi Diiriye ayaa hoggaaminayay wefti balaadhan oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Mawliid Cabdi Muuse iyo Guddoomiyaha Guddida Xidhiidhka ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL.

“Weftiga ayaa muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta Bahda Garsoorka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS Cali Baaruud, Wasiirka Xeer ilaalinta Guud ee Cadaaladda DDS Axmed Xaaji Samatar, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka Faafan Cabdicasiis Axmed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee Shareecada DDS Sheekh Axmed Haadi, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Madaxa Bannaan Maxamuud Maxamed Ciise, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Bahda Garsoorka Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Kulankan oo daba socday mid hore ay magaaladda Hargeysa ugu yimaadeen qaar kamid ah masuuliyiinta bahda Garsoorka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku qotomay is-barasho iyo khibrad is-waydaarsi la xidhiidha sidii loo abuuri lahaa xidhiidh wanaagsan oo taabanaya wada shaqaynta labada dhinac, gaar ahaan sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha u soo kala gudba ee la xidhiidha Garsoorka, iyadoo Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka la ixtiraamayo.” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net