Muxuu Taliye Nuux Taani Kala Soo Laabtay Safarka Dalka Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Tani Iyo Saraakiil kale oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ethiopia, ayaa galabta ku soo laabtay Dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Saraakiisha u sarreeya Ciidanka Qaranka.

Taliyaha iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka, waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee Addis Ababa ku soo sagootiyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalab-sida ee Ethiopia Sarreeye Guud Birhanu Julana iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo shalay gaadhay Addis Ababa, waxa uu kulan la qaatay Dhiggiisa dalka Ethiopia Birhanu Julana iyo saraakiil kale, waxaanay labada dhinac ka wada-xaajoodeen iskaashi dheeraad ah oo dhexmara militariga labada waddan.

Dowladda Ethiopia oo war ka soo saartay safarka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland markuu shalay gaadhay, waxa lagu sheegay inay labada Talis Ciidan ka-wada hadleen iskaashiga Ciidamada isla markaana kulankooda ku soo qaadeen heshiiska is-afgarad ee horaantii bishan dhexmaray dowladaha Ethiopia iyo Somaliland.

Somalilandpost Media Inc.