Muxuu Guddoomiye Cirro yidhi Heshiiska Dekedda Berbera iyo Dhaliil loogu jeediyey fasiraad uu ka bixiyey Xuska 18 May?

CirroHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay maalgeshiga dekedda Berbera oo xukuumaddu dhawaan heshiis kula gashay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo guddoomiyuhu ka hadlay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiye Cirro oo safar dhowr todobaad qaatay oo uu dibadda ugu maqnaa maanta ka soo laabtay, ayaa mar uu saxaafadda kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa uu si gaar ah isu-dul-taagay saddex qodob oo ay ku jirto eedayn loogu jeediyey aflagaaddo iyo tixgelin la’aan la sheegay inuu ka yidhi Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May iyo sidoo kale Heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbera.

“Xukuumadda Somaliland ee hada jirta ama ta imanaysa, qurba-joogooda iyo shacbigooduba haddii ay iskaashadaan, in wax badan ay ka bedeli karaan sida ay hadda tahay siyaasadda arrimaha dibaddu,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo ka hadlayey siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Mar uu ka hadlayey xuska 18-ka May waxa uu yidhi, “18ka May, waa maalintii qaranka, waa maalinteydii, waa maalintiinii, waa maalintii Somaliland, laakiin Somaliland, waxa ay lee dahay taariikh weyn oo ka horreysay 18ka May, waxa aynu gobanimadeena qaadanay 26kii Juun, waxa aynu la soo noqonay waxa ay ahayd gobanimaddii aynu qaadanay 26kii oo ahayd 18kii May, waa in la ixtiraama 18ka May, taariikhaha kale ee Somaliland-na waa la ixtiraamaya, tii Daraawiishta ayaa la ixtiraamayaa, Somaliland waa la wada lee yahay.”

Waxa kale oo Guddoomiye Cirro ka hadlay maalgeshiga dekedda Berbera iyo tallaabooyinka sharci ee loo baahan yahay in lagu dabbaqo heshiiskaas, “Horumarka Somaliland, waanu taageersanahay boqolkiiba boqol 100%, waxaana aanu jecel nahay in aanu cid kasta uga lexlo jeclo badan nahay, dekadda Berbera-na xukuumadda waxa aanu ku nidhi Baarlamaanka keena wixii aad heshiiska ku saxeexdeen ee aad shacabka uga wakiilka ahaydeen. Wax kasta sharci ayaa loo raacayaa, ama heshiis ha noqdo ama wareejin ha noqdo, marka haddii la wareejinaayo sharci baa lagu wareejinayaa, haddii sharci darro lagu wareejinaayana sharci maaha,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.