Muxuu Guddoomiyaha Kulmiye ka yidhi inuu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimada Madaxweynaha ee kal dambe?

Muxuu Guddoomiyaha Kulmiye ka yidhi inuu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimada Madaxweynaha ee kal dambe?Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa difaacay murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo mar kale u taagan yahay doorashada madaxtooyada ee la filayo inay sannad dambe badhtamihiisa dalka ka dhacdo, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyey warbaahinta maxalliga ah ee dalka oo lagu sheegay inuu Md Siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimada Doorashada soo socota.

Warka sheegaya Tanaasulka madaxweynaha oo warbaahinta Maxalliga ah ah qaarkeed lagu baahiyey todobaadkan, ayaa lagu sheegay in go’aanka tanaasulka ee madaxweynaha uu ka soo baxay isla markaana lagu gaadhay kulan Madaxtooyada ku dhex-maray Madaxweynaha, Wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, halkaas uu madaxweynuhu uga sheegay inaanu awood ahaan sii wadi karin loolanka hoggaanka dalka, wakhtiganna loo baahan yahay ciddii beddelkiisa geli lahayd, isla markaana halkaas lagu soo qaaday in xisbigu tartanka madaxweynaha inuu uga qayb-galo u wakiisho saddex xubnood oo laba wasiirro xukuumadda ka tirsan yihiin halka xubinta saddexaadna ka tahay Guddoomiyaha Kulmiye, inta doorashada ka hadhayna loo hawl-galo sidii loo kala saari lahaa saddexdooda xubnood.

Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanu jirin meel ay ku kulmeen oo lagaga wada-hadlay masiirka murashaxnimo ee madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye, cidda kaliya ee u taagan inay doorashada u metasho xisbiga talada haya uu yahay madaxweynaha wakhtigan Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

HALKAN KA DAAWO WARKA