Muxuu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland U Sheegay Madax-dhaqameedka Reer Muqdisho Oo Kulan Dhexmaray?

Hargeysa (SLpost)- Madax-dhaqameed ka yimi Muqdisho oo shalay soo gaadhay Hargeysa, ayaa maanta la kulmay shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Madax-dhaqameedka oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay shir-guddoonka u sheegeen ujeeddada socdaalkooda oo lagu sheegay inay doonayaan sidii ay dhex-dhexaadin uga dhex-bilaabi lahaayeen dowladda Somaliland iyo Garaaddada Beelaha Dhulbahante oo hormuud ka ah colaadda ka taagan Laascaanood.

In kasta oo aanu jirin War ku saabsan kulanka oo Golaha Guurtidu soo saaray, haddana xogo la xidhiidha kulanka oo aanu helnay ayaa tibaaxay inuu guddoomiyaha golaha Guurtidu soo dhaweeyey hawsha nabadeynta ee ay u socdaan, balse maadaama oo ay madax-dhaqameed yihiin ay muhiim tahay inay arrintan kala hadlaan Bahda Dhaqanka ee Somaliland si ay isu waafaqaan hawsha ay u socdaan iyo Mansabka ay xambaarsan yihiin.

Madax-dhaqameedka ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaana gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ku soo dhaweeyey Guddi madax-dhaqameed ah oo madaxweyaha Somaliland hore ugu xil-saaray inay wada-hadallo la galaan Garaaddada Bariga Gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka Somaliland ee soo dhaweeyey Odayaasha Muqdisho waxa ka mid ah Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Suldaanka Beelaha Gobollada Awdal iyo Selal Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal iyo Xubno kale.

Madax-dhaqameedka iyo odayaasha Muqdisho ayaa dhammaadka bishii March ee sannadkan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kaddib markii ay magaalada Garowe kulamo kula yeesheen qaar ka mid ah Garaaddada hormuud ka ah Colaadda Gobolka Sool.

Dagaalka ka Socda magaalada Laascaanood oo bishii Saddexaad galay, ayaa u dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad deegaanka u dhashay oo taageero ka helaya kooxo Argagixiso ah, Ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo maleeshiyaad xuduudaha ka soo tallaabay oo hayb qabiil kaga qayb-qaadanaya Dagaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net