Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Uga Baxay Laascaanood?

Advertisement

Laascaanood (SLpost)- Nin Hubaysan ayaa caawa fiidkii Rasaas Oodda kaga qaaday Ciidamada Ammaanka Somaliland ee Ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.

Arrintan ayaa sababtay inay rasaas is-weydaarsadaan ciidamada Ammaanka Oo Ka jawaabayay rasaasta ninka dableyda ah, taasoo sababtay in rasaastii ciidanku haleesho ninkii dablayda ahaa oo isla goobta ku geeriyooday.

Warkan oo aanu ka helnay saraakiisha ammaanka ee magaalada oo in magacooda la xuso ka gaabsaday, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu sheegay in Ciidamadu toogasho ku dileen qof shacab ah, balse uu ficilka Ciidammada ammaanku ahaa is-difaacis iyo jawaab ay ka bixiyeen rasaasta uu ninka dableyda ahi huwiyey.

Advertisement

Waxa Ciidamada Amniga Gudaha Laascaanood ku sugan Rasaas Ku Furay Nin Hubaysan, ciidankuna way ka jawaabaan Rasaasta, ka jawaabistaasina waxay keentay in uu dhinto ninkii ciidanka rasaaska ku furay,” sidaas ayuu yidhi sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka eek u sugan Laascaanood oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Warku waxa uu intaas ku daray inay isla markiiba goobta yimaaddeen saraakiisha sare-sare ee laamaha ammaanka isla markiibana la xidh-xidhay oo qoryahaya laga furay ciidamadii ammaanka ee ay rasaasta is-dhaafsadeen Qofka dableyda ah si loo xaqiijiyo sababta uu ku yimi falka goobta ka dhacay.

“Waxa isla markiiba la xidh-xidhay ciidamadii goobtaasi ku sugnaa, madaama Meesha ay timid dhimasho, waxa isla markiiba tallaabo degdega laga qaaday laguna xidhay dhammaantood ciidankii ku sugnaa halkaasi si loo baadho loona hubiyo sida ay wax u dhaceen,” Sidaas ayuu yidhi Sarkaalka aanu warkan ka soo xigannay.
Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa maalmihii u dambeeyey Bandoo ahayd kaddib markii ay amniga iyo gacan-ku-haynta magaalada ay la wareegeen ciidamada Qaranka ee Somaliland kaddib markii bannaan-baxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ka dhaceen magaalada toddobaadkii hore.

Bannaan-baxyada oo ay sameeyeen dhalinyaro iyo haween ka gadooday Dil aan la aqoonsan cidda fulisay oo magaalada laascaanood loogu geystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Hadraawi, waxa ay sababeen geerida dhowr qof oo shacab ah kaddib markii ay isku dhaceen ciidammada ammaanka iyo dadka mudaharaadka sameeyey.

Advertisement