Muxuu Boqor Cismaan Buur-madow ka yidhi Jabhadda laga Iclaamiyey Galbeedka Gobolka Sanaag oo isaga lagu xidhiidhiyey?

 

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan aw-Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa iska fogeeyey inuu wax lug ku leeyahay ama ka dambeeyo Koox sheegatay inay tahay Jabhad hubaysan oo Khamiistii todobaadkii hore lagaga dhawaaqay Galbeedka gobolka Sanaag.

Muuqaal laga soo duubay Kooxda Jabhadda ku dhawaaqday, ayay ku sheegeen inay ka cabanayaan caddaalad-darro ay ka tirsanayaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxase ay hadalkooda ku sheegeen kuna hanjabeen inay jawaab ka bixin doonaan wax ay ku tilmaameen Xadhig xukuumaddu u qorshaysay Boqor Cismaan Buur-madow oo isagu dhawaan sheegay in madax-dhaqameedka Somaliland lagu daro ergooyinka ka qayb-qaadanaya wada-hadallada Soomaaliya.

Boqor Cismaan Buur-madow oo xilligan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sheegay in cid kasta oo isaga ku xidhiidhisa inuu ka dambeeyo aasaaska Jabhadda ay duullaan ku tahay sharaftiisa, balse waxa uu Boqor Cismaan ugu baaqay xukuumadda inaanay fududaysan oo jawaab ka bixiso cabashada ka soo yeedhay malleeshiyaadka ku dhawaaqay Jabhadda oo uu ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Ciidammada dalka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Boqor Cismaan oo u Warramay Telefishanka Bulsho, waxa uu warraysiga kaga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com