Muwaadin u dhalashay Somaliland Oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Sababaha Loo Aanaynayo

Muqdisho (SLpost)- Allah ha u naxariistee Eng Cabdinaasir Muuse Dahable oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee maanta meydkiisa Laga Helay Gurigii uu ka deggenaa magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Marxuum Cabdinaasir oo ka mid ahaa Dhalinyaradii hay’adda ICAO ku wareejisay Soomaaliya, ayaa wakhti ku dhow sallaaddii Maqrib waxa Meydkiisa laga helay Gurigii uu deggenaa oo ku yaalla Xaafadda Buulo-xuubey oo ka tirsan degmada Wada-jir ee gobolka Banadir.

Lama oga sababta Geerida marxuumka haseyeeshee warar aanu ka helnay magaalada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in meydka marxuumka laga helay nabarro loo geystay.
Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 35 shaaqaale u dhashay Somaliland oo u shaqayn jiray hay’adda Duulimaadyada u Qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO oo Gacanta ku hayn jirtay Maamulka hawada Soomaalida.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka hawl-gali jiray Waaxda Xogta Badqabka Duulimaadyada caalamiga ah u qaabilsan hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya.
Wararka la xidhiidha geerida marxuumka, ayaa sheegay in laanta dambi-baadhista ee Ciidanka Booliska Soomaaliya gacanta ku hayaan meydka marxuumka isla markaana ay baadhitaan ku samaynayaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu cirka isku shareeray muranka maamulka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Marxuumka ayaa intii aanu ka hawl-galin hay’adda ICAO ee gacanta ku haysay maamulka hawada Soomaalida, waxa uu ka soo shaqeeyey Madaarka Diyaaradaha Eldoret International Airport ee dalka Kenya,

Allah ha u naxariistee, marxuum Abdinasir Muse Dahable, ayaa Cilmiga Maamulka gaadiidka Hawada (Air Transport Management) ku qaatay shahaadada Masters Degree oo uu ka Dhameystay Jaamacadda Cranfield University ee dalka UK.

Marxuum Abdinasir Muse Dahable oo ku dhashay kuna koray gobolka Maroodijeex, ayaa waxbarashadiisa Sare Ilaa Heer Jaamacadeed ku qaatay Dugsiga Sare ee Sheekh iyo Jaamacadda Gollis faraceeda Hargeysa oo uu ka bartay Aqoonta Civil Engineer-ka.