Muwaadin ka Dhiidhiyey Dhalan-rogga Taalooyinka Hargeysa oo uu Hal-abuurkooda sheegtay

Hargeysa (SLpost)- Maxamed Axmed Cali Shiil (Nairobi) oo ah muwaadin u dhashay Somaliland kana mid ah Dhalinyarada Hargeysa, ayaa ka hadlay isbeddelka iyo dib-u-habaynta lagu sameeyey Taallada Diyaaradda ee Hargeysa oo uu ku tilmaamay mid aan ka tarjumayn ujeeddada dhabta ah ee ay ka tarjumayso.

Maxamed Axmed Cali oo sheegay inuu isagu iska lahaa hal-abuurka fekerka lagu sameeyey Taalooyinka Diyaaradda iyo Gacanta ee magaalada Hargeysa caanka ku tahay, waxa uu talooyin u jeediyey Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland iyo Maayarka Hargeysa.

Muwaadinkani waxa uu ku taliyey in taallada Gacanta oo u taagan astaankii Halganka si gaar ah loogu magacaabo Allah ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).

Advertisement

Hadalka Maxamed Axmed Shiil kaga bogo Muuqaalka Hoose

Follow us On