“Muusow waxaan u malaynayaa in magac la’aan iyo kursi la’aan ay kuwada qabsan doonto..”Siciid Cilmi Rooble

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa guddoomiye Muuse Biixi ku ganay falaadh kulul oo la xidhiidha ka aamusnaantiisa xaalada dalka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu guddoomiye Muuse u sheegay in aanu laba isku helayn, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa  “Waxaad i xasuusiseen mujaahidkii Muuse Biix, ninkii aanu saaxiibka hayn ee mudada dheer aan tuurta ku siday, Muusow hadaad tidhaahdo ka hadlimaayo Berbera,Hargeysa,Salaadiintaadii,waxa wadanka ka dhacaaya iyo  oo waxa gurigaaga lagu samaynaayo, kursina waan rabaa isku helimaysid labadaas, alle ayaa kurisga bixiya ee Siilaanyo ma bixiyo, waxa kuu muuqda ragaagii oo mid mid shalay qoorta loo qabay, Muusow waxaan u malaynayaa in magac la’aan iyo kursi la’aan ay kuwada qabsan doonto.”

Hargeysa Somaliland

Somalilandpost