Muuse Biixi oo Baaq Ujeediyay Musharaxiinta Isbahaystay

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dooday inuu diyaar u yahay wada hadal ay la yeeshaan musharaxiinta isbahaystay ee ka soo horjeeda garabkiisa. Waxa uu diiday in shirka golaha dhexe ee salaasada soo socota qabsoomaya dib loo dhigo.

Guddoomiyaha oo maanta bookhday xarunta xisbiga oo dhawaan looga yeedhay waxa uu sheegay inay tahay in musharaxiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe ugu yimaadaan xarunta xisbiga islamarkaana la garammaan.

Garabka Musharaxiinta isbahaystay ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin dhawaaqii xoghayaha guud ee ahaa in cidii u sharaxan jagooyinka Kulmiye timaado xarunta xisbiga maalmaha khamiista, Jimcaha iyo sabtida si araajidooda iyo lacagaha musharaxnimo looga qabto.

Halkan Ka Daawo Muuqaal: