Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Madashii Lagu Doortay?

 

 

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ahaa u tartamayey musharaxa madaxweyne ee Xisbiga ayaa waxa shirka golaha dhexe ee saaka Hargeysa ka furmay loogu doortay in uu noqdo u matalaha musharaxa madaxweyne ee Kulmiye.

 

Muuse Biixi madashii lagu cumaamaday khudbad ka jeediyay ayaa ugu horayn waxa uu ragganimo, mudakarnimo iyo adkaysi siyaasadeed ku hambalyeeyay Mudane Saleebaan Xaglotoosiye oo u tartamayey musharaxa madaxweyne xigeen, laakiin uu ka gacan sareeyay Cabdiraxmaan Saylici isla markaana si ragganimo leh ugu haneeyay. Sidoo kale waxa uu Muuse golaha dhexe ee xisbiga ugu mahadnaqay sida ay ugu codeeyeen ee xilka u saareen.

 

Muuse Biixi Cabdi waxa uu eray mahadnaq ah oo illaaq ahaan u dhiggan ku mudday saaxiibadiisii qaadacay shirka oo uu ku sheegay in ay u tudheen oo ay si xigaalnimo leh uga tanaasuleen Xilka.
Muuse waxa uu balanqaaday in ay sii wadi doonaan barnaamijkii xisbiga Kulmiye iyo wadadii uu jeexay aasaasaha xisbiga Kulmiye oo ah madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Halkan Ka Daawo Khudbadda Muuse Biixi oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=dtxd9EA6pCo