“Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin midnaba lama Colloobi karo, waayo…” – Cabdiqaadir Jirde

 

“Waxaan arkaa mararka qaarkood, aniga iyo Muuse oo wada-qoslayna oo dadka qaarkood soo qorayaan ‘tolow ma baastadii buu wax ugu daray’. Baastada waxba laysuguma daree, danta naga dhaxaysa ayaa ka weyn wax walba”. – Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani,  ayaa sheegay inaanay jirin colaad shaqsi ah oo u dhaxaysa Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka ah balse ay isku hayaan siyaasadda dalka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadal ka jeediyey munaasibad ka dhacday magaalada London oo ay ku kulmeen jaaliyadda Somaliland ee UK, waxa uu sheegay inaanay marnaba suurto-gal ahayn nacayb shaqsi ah oo ka dhaxayn kara isaga iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

“Axsaabtayada Siyaasad baanu isku haynaa, laakiinse colaadi ma jirto. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin midnaba lama colloobi karo; colaad qof iyo colaad reer toona. Waanu isku khilaafsannahay siyaasadda, waa tartamaynaa, waa naqdiyeynaa, laakiinse yaan loo qaadanin in la coloobayo,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo la hadlayey Qurbejoogga Somaliland ee UK.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Labaduba (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) markaan la kulmayo, midna fadhiga iguma salaamo, sara-joog bay igu salaamaan, waana ixtiraam naga dhexeeya, aniguna sidaas si le’eg, markaa la kala tagi maayo. Idinkuna hanaga dheeraynina ee na daba socda”.

“Waxaan arkaa mararka qaarkood, aniga iyo Muuse oo wada-qoslayna oo dadka qaarkood soo qorayaan ‘tolow ma baastadii buu wax ugu daray’. Baastada waxba laysuguma daree, danta naga dhaxaysa ayaa ka weyn wax walba, isaguna uu ogyahay anna aan ogahay. Waa la tartamayaa, waxba laysku hambayn maayo, meel baa laysla gaadhayaa, haddana annaga oo gacmaha is-haysana ayaanu soo baxnaa, idinkana sidaas oo kale ayaa laydinka baahan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Jaaliyadda Ingiriiska u hoga-tusaalaynayey inaanay aragti qaldan ka qaadan loollanka siyaasadda ee Axsaabta Qaranka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net