Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Go’aankii Madax-dhaqameedka SACAD MUUSE kalsoonida ku siiyeen iyo Kulankii Jabuuti ku dhexmaray Siilaanyo iyo Xasan Sheekh

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Go’aankii Madax-dhaqameedka SACAD MUUSE kalsoonida ku siiyeen iyo Kulankii Jabuuti ku dhexmaray Siilaanyo iyo Xasan SheekhHargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay go’aan madax-dhaqameedka iyo Guddiga horumarinta Beeshiisa Sacad Muuse ugu go’aamiyeen inuu noqodo Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee madaxtinimada ka dib marka uu madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xileedkiisa labaad, go’aankaas oo ay kaga reebeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda oo labadooduba shaaciyey inay u taagan yihiin doorashada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Somalia iyo kulankii Axaddii todobaadkan magaalada Djibouti ku dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muuse Biixi oo waxa uu sheegay in Dalka Turkigu aanu Daacad ka ahayn Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, islamarkaana uu dhinaca Somalia u janjeedho, isaga oo ku dooday in meesha ugu haboon ee xogogaalka u ah Qaddiyadda Somaliland iyo Somalia ka dhexaysaa ay tahay Dalka Jabuuti, IGAD iyo waliba Wadamada Yurub ee Ingiriisku ka mid yahay.

 HALKAN KA DAAWO