Muuq-baahiyeyaasha Madaxa-bannaan ee Somaliland oo Amar Cusub la dul-dhigay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Amar ku socda Telefiishannada Madaxa-bannaan ee ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaliland isla-markaana Xarumahoodu ku yaallaan Magaalada Hargeysa.

Go’aan ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka dambeeyey kaddib kulan uu la qaatay Madaxda Telefiishannada Madaxa-bannaan oo ka dhacay Xafiiskiisa, waxaana lagu amray in Telefiishannadu ay xilliga War-tebintooda soo hor-mariyaan Wararka ku saabsan Somaliland, kuwa khuseeya Soomaaliyana ay raaciyaan ama ku daraan Wararka dibedda.

Amarkan ayaa dhaqan-galkooda waxa ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay inay bilaabmaan Maanta ku beegan 09/09/2019-ka ilaa muddo laba usbuuc gudahood ah, ayaa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed u qornaa sidan hoos ku xusan:-