Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga Ee Maraykanka Ku Hirdamaaya Oo Dood Kulul Yeeshay

US(Slpost)-Dood aad u xooggan oo si toos ah telefishinka looga tebinayay ayaa dhex martay afarta nin ee ku loolamaya jagada musharaxtinimada xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Donald Trump oo ah nin ugu cad-cad musharaxnimada jamhuuriga ayaa intii ay dooddaasi socotay waxa uu weerar dhanka afka ah kala kulmay labada musharax ee uu tartanka jagad kala dhexeeyo ee kala ah Ted Cruz iyo Marco Rubio.

Ted Cruz ayaa shaki geliyay in codbixiyayaasha mareykanka ay aamini karaan waxa uu u sheegaya ninkani maal qabeenka ahi.

Donald Trump ayaa dhankiisa Marco Rubio ku eedeeyay in uu hoos u dhigay sumcadda dadkii soo doortay maadaama uusan inta badan ka hadlin aqalka senetka.

Ted Cruz ayaa su’aal geliyay taageerada ay Donald Trump u ahayaan madaxweyneyaashii hore ee ka tirsanaa xisbiga jamhuuriga, arrintaasi oo Trump uu beeniyay.

Musharaxa afaraad oo ah barasaabka gobolka Ohio John Kasich ayaa isaga doodda diiradda ku saaray arrimaha miisaaniyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalkaasi Mareykanka.