Musharaxa US Donald Trump Oo Dalkaas Ka Mabnuucaya Muslimka iyo Miksikaanka

Washington(SLpost)- Donald Trump Milyaneerka Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ugu Sharaxan, doorashada madaxtinimada dalkaas, ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihii doorashada, waxaanu muuqaalkii ugu horeeyay oo nus daqiiqo qiyaastiisu tahay, uu ku baahiyay telefishanada dalka Maraykanka qaarkood.

Muuqaalkan uu Musharax Donald Trump ku gelayo ololaha doorashada ayuu ku sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu si ku meel gaadh ah u joojin doono, in muslimiin cusub Maraykanka timaado, waxa kaloo uu sheegay, in haddii uu guulaysto uu gidaar ku kala xidhi doono xadka Maraykanka iyo Mexico si aanay soo galayti sharci daro ah oo Mexican ahi aanay dalka Maraykanka u soo gelin, sidoo kale tahriibka iyo qulqulka soo galaytiga dunida uu wax ka qabanayo.