Musharax Muuse Biixi Oo Shacbiga Ku Hanbalyeey Dhalashada Sanadka Cusub 2016

Muse Bihi

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabiga Somaliland iyo guud ahaan shucuubta caalamka ku hanbalyeeyay dhalashada sanadka cusub, waxaanu shacabiga iyo guud ahaan Somaliland u rajeeyay inuu Alle iga yeelo sanad barwaaqo ah.

Muuse BiixiWaxaana sidan lagu sheeegay qoraal kooban oo uu warbaahinta u soo diray, waxaanu u dhignaa sidan“Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland curashada sannadka cusub ee 2016 ee taariikhda Miilaadiga oo kowsanaya saqda dhexe saacadda Geeska Afrika ee Jimcaha caawa (01/01/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu sannadkani noqdo mid khayr qaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisuna badhaadhe ku waaraan, nabadgalyo, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi buuxa oo ay helaan ku dhammaystaan, sharkiisa iyo balaayadiisana uu garab mariyo.”