Musharax Muuse Biixi Oo Ku Hanbalyeeyay Ismaacil Cumar Geele Guusha Uu Ka Gaadhay Doorashada

Hargeysa(Slpost)-Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacabka, dawladda iyo Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay u hirgashay doorashada madaxtinimo ee codbixinteedu qabsoontay maalintii Jimcaha, natiijadeedna lagu dhawaaqay maanta oo Sabti ah (09/04/2016).

Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diyaraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle guusha uu ka gaadhay doorahsadaasi ee loogu doortay xilka Madaxweynenimo mar afraad. Waxaan u arkaa in hannaanka nabadgalyada ah ee ay u dhacday doorashada Jabuuti iyo guusha uu mar kale ka soo hooyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay sii xoojinayso nabad-ku-wada noolaanshaha shucuubta ku dhaqan dalalka ku yaal Gobolka Geeska Afrika iyo sii socoshada dedaalka horumarinta guud ahaan Mandaqada, gaar ahaanna dalka Jabuuti.

Ugu dambayntii, annigoo ku hadlaya afka hoggaanka xisbiga KULMIYE, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, guud ahaan taageerayaasha xisbiga iyo xilkayga Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan Ilaahay uga baryayaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle inuu u fududeeyo xilka cusub ee mar kale ay u dhiibteen shacabka dalkiisu, kuna guulaysto horumarinta waddankiisa iyo dadkiisaba.

Alla Mahad Leh

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE

Muuse Biixi Cabdi