Musharax Ku Xigeenka Xisbiga Ucid  Oo Ka Hadlay Sida Ay Saamayn Mucaaradka Hada Ugu Yeesheen Balanqaadyadii Beenoobay ee Kulmiye

 

Uk(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa daboolka ka qaaday sida balanqaadyadii xisbiga Kulmiye wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee beenoobay ay caqabad ugu noqdeen aaminaadii shacabka ee xisbiyada mucaaradka ah.

sida oo kale waxa uu ka haday muranka ka jira saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, waxaana uu arimahan kaga hadlay waraysi dheer oo uu la yeeshay tilifishanka Somalicabale, waxaana ugu horayntii hadalkiisa uu ku bilaabay “Shacabku hadii aad la sheekaysato waxay ku odhanayaan oohintii Kulmiye ee shalay iyo balanqaadkii aanu arkaynay waxa ay naga lumiyeen kalsoonidii asxaabta, waa arin jirta oo xaqiiq ah, anagu waxaanu aaminsanahay inaanu nahay siyaasiyiin cusub oo noocan hantida loo boobayo aan qayb ka ahayn keenayana nidaam cusub oo ka furfuran qabyaalada oo leh isla xisaabtan, waxaanu noqon adeegayaal ee shacabka ma yeelan doono, waxaanu tagaynaa anaga oo waxkhabad ku tartamayna ismana lihin nagumana jirto inaanu noqono kuwo raadkii hore raaca.”

cabdirashiid-mataan

musharax ku xigeen Cabdirashiid oo muranka saami qabsiga kuraasta golaha wakiilada ka hadlaayay waxa uu yidhi“arintan saamiga marka laysku hayo golaha 82-ka xubnood ah oo kaliyaati kama qaadankaro go’aan arintan laba jeer oo hore ayay na soo martay Alle hawnaxariistee markii Cigaal joogay way dhacday oo banaanka yaa lagu soo dhameeyay, mar labaad wakhtigii Rayaale ayaa laysku qabtay, markaasna banaanka ayaa lagu soo heshiiyay cidii xalka keentay ee cid walba isku soo jiidaysayna madaxweynii talada dalka hayay ayuu ahaa, waxay ku xidhantahay xukuumadda iyo madaxweynaha inay keento taladii dadka isku keeni lahayd ee doorasho lagu gali lahaa.”