Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay Kacdoon Dhiig ku daato

Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhalinyarada iyo taageerayaashiisa ugu baaqay kacdoon iyo inay iska-hor imaad dhiig ku daato kaga hor yimaaddaan ciidamada ammaanka.

Cabdiraxmaan CirroMurashax Cabdiraxmaan Cirro oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu dhalinyarada Xisbiga ugu baaqay bannaan-bax ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda isla markaana ay isu-dhigaan rasaasta Ciidamada Ammaanka.

“Dhalinyarada waxaan leeyahay, haddii ciidanku rasaas sharci-darro ah idinku soo ridaan isku Dhiga,” sidaas waxa yidhi murashax Cabdiraxmaan Cirro.

Hadalka ka soo yeedhay murashax Cirro, ayaa noqonaya masuulkii u horeeyey taariikhda nidaamka doorashooyinka Somaliland ee ku baaqa Kacdoon Dhiig ku daato.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka murashax Cirro.

 

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda, waxaanay ku doodayaan inay doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Dhammaadka muddo-xileedka Xisbiyada Qaranka, ayaa ku beegan bisha December ee sannadkan, iyadoo go’aanka furista ururrada siyaasadda ay soo dedajiyey maadaama xeerka doorashadu dhigayo in tobankii sanno-ba hal mar la furo ururrada siyaasadda oo xeerku dhigayo in la furo lix bilood ka hor dhammaadka muddo-xileedka Xisbiyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net