Muqdisho: Wararkii u dambeeyey Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay iyo Tirada Dhimashada oo 100 qof Maraysa

 

Muqdisho (SLpost)- Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee maanta lagu qaaday Bar kaantarool oo ay ciidamada Waaxda canshuuraha ee dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Isgoyska Ex-Kootarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh sababo la xidhiidha goobta uu qaraxu ka dhacay oo waqtigaa ahayd mid aad u mashquul ah oo ay ku sugnaayeen gaadiidka dadweynaha oo qaarkood goobta la weerarray u tagay in ay ka goostaan warqado sharci ah oo ay jidadka ku maraan iyadoo sidoo kale ahayd xilli ay dugsiyada u sii dareerayaan arday aadayey goobaha waxbarashada.

Tirada Dhimashada ayaa sii korodhay sida ay sheegeen saraakiisha ka hawl-gala goobaha caafimaadka ee meydadka iyo dhaawacyada la geeyey, waxaanay dhimashadu hadda maraysaa ilaa 100 qof.

Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta aanay Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaadhay Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday weerarka oo lagu tilmaamay inuu ka mid yahay weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha………