Muqdisho: Shir-guddoonka Baarlamanka oo Qaaddacay in la horkeeno Mooshinka Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya

Muqdisho (SLpost)- Shir-guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku gacan-saydhay in baarlamanku dood ka galo mooshin ku aaddan heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland oo xildhibaannada qaarkood wateen, iyagoo sheegay in mooshinkaas uu ka horimanayo Dastuurka dalkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka SoomaaliyaKulan baarlamaanka Soomaaliya  maanta yeeshay xildhibaannadii uu hoggaaminyey Cali Khaliif Galleydh ee mooshinka dabada ka riixayey u gudbiyeen shir-gudoonka, ayaa go’aanka baarlamanku arrintaas ka qaadanayo mudaneyaasha ka horsheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, oo xusay in xildhibaannadu ay dalban karaan in dadkii ka qaybgalay ay horyimaadaan baarlamaanka, balse aan heshiiskaas laga hadli karin. “Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii November 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yidhi Cawad.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaanay ka doodi karin war-murtiyeedkii ama heshiiskiii kasoo baxay shirkii Somalia iyo Somaliland, wuxuuna xusay in xukuumadu ay xor u tahay inay ku matasho Soomaaliya arrimaha siyaasadda. “Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma aha mid sharciga waafaqsan, sidaa daraadeed lagagama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeedhaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay Shirkaas si aad su’aalo u weydiisaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Go’aanka ayaa imanaya kadib markii xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay dhawaan u gudbiyeen ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray Soomaaliya iyo Somailand, kaas oo ahaa mid iskaashi oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la wadaago deeqaha dibadda laga helo iyo ka shaqeynta ammaanka.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas, haseyeeshee waxa aan meesha ka madhneyn Qodob ku jiray wada-hadallada labada dhinac oo tilmaamayey inaanu dhinacna ku kicin tallaabo carqalad ku noqon karta wada-hadallada.

SOMALILANDPOST.NET