Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo Go’aan ka soo saartay Ganacsiga Sarrifka FOREX

 

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la xidho dhammaan Akoonnada ay Soomaaliya ku leeyihiin Dadka ku shaqaysta Sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaano (Forex), kaasi oo lagaga dhex shaqeysto Internet-ka.

War ka soo baxay Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu amray in la xidho Akoonnada Soomaaliya ka furan ee lagaga shaqeeyo Sarrifka Forex, Maalmo ka dib markii Culimo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ay sheegeen in adeegga Forex uu yahay Xaaraan isla-markaana uu fasahaadinayo dhaqaalaha ummadda, haddii aan laga hor-tagin.

Amarka ayaa ku socda Baananka Ganacsiga ee sida gaarka loo leeyahay, waxaana sidoo kale la amray inay soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Akoonnada la amray la xidho.