Mulkiilaha Worldremit Oo Soo Bandhigay Caddeymo Muujinaya Lacago Somaliland Soo Daabacayso Oo Baanka Dhexe Beeniyey

Bangiga Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay, “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”
 
Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.
 
Iyada oo maanta Bangiga Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego.
 
Soddonkii sano ee shilinka SL jirayba waxa aan wax ka qori jiray qiima-dhaca lacagteenna ku imanaysay, taas oo markii la soo daabacay 50-ka shilin lagu sarrifi jiray $1. Aniga oo ka soo horjeeda sida qaldan ee loo maamuli jiray iyo dhibaatada danyarta ka soo gaadha ayaan sidan oo kale uga talo bixin jiray had iyo goor. Waa markii u horreysay ee 30-kaa sano la igu eedeeyo in aan waddanka iyo dhaqaalaha cadow ku ahay.
 
Waxa aan mar kale ku talinayaa in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado. Ma aha in aynu la sugno inta arrinku meel xun oo aan laga soo kaban karin gaadhayo.
 
W/Q: Ismail Ahmed, Aasaasaha Worldremit.