Mulkiilaha Shirkadda Al-Nuur oo ka mid Noqday 100-ka Qof ee loo Xulay Haldoorka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Mulkiilaha shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiiska ee Al-nuur Furniture, Cabdiraxmaan Maxamed Nuur  ayaa ka mid noqday boqolkii qof ee loo xulay haldoorka Jamhuuriyada Somaliland oo xaflad bilado lagu gudoonsiinayay munaasibad maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay  oo ay ka qayb galeen, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, masuuliyiin, Salaadiin, Cuqaal iyo marti sharaf tiro badan, ayaa subaxnimadii maanta lagu soo afmeeray barnaamijka Qiimee Qofkaaga si aad Qiime u yeelato oo sannadkii ina dhaafay dhexdiisii ka bilowday Somaliland, kaas oo shacabka reer Somaliland kusoo xulanayeen 100 ka qof ee ugu mudnaa mudaddii labaatanka Sanno ahayd ee Geeddi-socodka dhismaha Somaliland lagu soo jiray.

ALNUUR Furniture HabboonDeqaBandhigan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururk qiimaynta qaranka ee SOLNEC,  ayaa ahayd gunaanadka iyo natiijadii ka soo baxday  daraasad loogu codeeyey  100-kii qof ee dedaalada wax ku ool-ka ah ku sameeyey naftooda iyo bulshadaba. Dadkan la soo xulay ayaa iskugu jiray siyaasiyiin  mansabyo kala duwan dalka soo qabtay ama imikaba xil haya , culimaa-udiin, abwaano, dadka u dooda xuquuqda aadamaha, gacansato, dadka ka shaqeeya horumarka Bulshada iyo shakhsiyaadka naftooda horumariyey.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Nuur ayaa isagu biladan ku mutaystay dedaalkiisii shaqsi ee uu noloshiisa ku sameeyey iyo doorkii firfircoonaa ee uu ka ciyaaray horumarinta adeegyada Arrimaha  bulshada  labaatankii sanno ee Somaliland jirtay, taas oo wiilkan da’da yar keentay inuu cod kaga kasbado bulshadii ka qayb gashay codaynta barnaamijkan dadkii ku soo baxay ee biladaha hantay, loona gartay inay maanta kadib ku suntanaadaan Kaalinta HALDOORnimo ee loo xushay.

Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyada caanka ku ah ee Al-nuur oo Cabdiraxmaan uu aas-aasay sanadii 1993-kii, ayaa  ka sokow agabka ay bulshada u keento, waxa ay faa’iidada  ka hesho badh kamid ah ku celisa bulshadii ay ka dhex heshay.

Shirkadda Al-nuur  waxa ay sanadkiiba hal-mar Dhar Ciidda kaga farxisaa boqolaal ka mid ah carruurta ku nool xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ka qayb qaadataa adeegyada bulshada, sida dhismayaasha waddooyinka.

SOMALILANDPOST.NET