Mulkiilaha Astaan Tv oo Xabsiga laga sii Daayey

 

Hargeysa (SLpost)- Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa waxa maanta laga sii daayey Mulkiilaha Telefiishanka gaarka loo leeyahay ee Astaan TV oo muddo dhowr bilood xidhnaa.

Mulkiilaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa xorriyaddiisa dib u helay, ka dib markii sida la sheegay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi cafis u fidiyey.

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa Cabdiraxmaan Yuusuf ku ridday xukun dhowr sanno ah iyo ganaax lacageed, kaddib markii Xeer-ilaalinta ku eedaysay eedaymo ay ka mid yihiin inuu u shaqeeyo ama xidhiidh la leeyahay sirdoonka Soomaaliya iyo inuu sifo sharci-darro ku soo galay Somaliland.

Maxkamaddu waxa ay sidoo kale soo saartay xukun ah in la xayiro Telefiishanka Astaan Tv.

“Waa eedayn been abuur ah, maxaa yeelay wuxuu haystaa Fiisihii uu ku soo galay dalka oo aan aniguba arkay,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Ururka SOLJA Yaxye Maxamed oo u warramay ururka xuquuqda Suxufiyiinta u dooda ee RSF oo waraysi la yeeshay kaddib markii maxkamaddu soo saartay xukunka lagu riday Cabdiraxmaan.

Xeer-ilaalinta Somaliland si daah-furan uma soo bandhigin Eedaymaha loo jeediyey Cabdiraxmaan ee sababay in Maxkamaddu soo saarto go’aanka lagu xukumay Dhowrka sanno ee Xadhigga ah, Ganaaxa lacageed iyo in Xayiraad la saaro Astaan Tv.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net