Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo Hargeysa ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray

 

Hargeysa (SLpost)- Alle Ha U Naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, mudooyinkii dambena ka mid ahaa siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka oo uu guddoomiye ka ahaa.

Alle ha u naxariistee Xasan Guure ayaa ku geeriyooday Xalay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana Marxuumku uu u geeriyooday Xanuunka COVID-19.

Advertisement

Marxuumka ayaa muddadii uu noolaa lagu xusuustaa inuu hormood u ahaa, si weyna uu uga soo qaybqaatay Nabada, Madaxbanaanida, iyo Dimuqraadiyada Somaliland.

Marxuumka ayaa isla maanta lagu aasay Xabaalaha Toon ee duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaana aaska marxuumka ka qayb-galay siyaasiyiin, masuuliyiin dowladda ka tirsan, xildhibaano iyo guud ahaan labeenta bulsho-weynta Somaliland, kuwaas oo dhammaantood marxuunku ku sifeeyey shaqsi halgan u soo galay madax-bannaanida iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, waxa geeriyida marxuumka ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, tacsi u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On