Muhiimadda iyo Caqabadaha Is-barkan ee ay Muwaaddiniinta Somaliland kala kulmi doonaan Diiwaangelinta Madaniga ah

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday Caqabado iyo Faa’iidooyin is-barkan oo ay Muwaaddiniintu kala kulmi doonaan diiwaangelinta Madaniga ah iyo qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Somaliland-nimada Muwaaddinka caddaynaya, taas oo sida xukuumaddu sheegtay bisha 9-aad ee sannadkan laga qaban doono dalka.

DIGITAL CAMERAWaxay Xukuumaddu sheegtay in kawda bisha sagaalaad ee sannadkan aynu ku jirno qof kasta oo reer Somaliland ahi ku khasban yahay inuu qaato Kaadhka Aqoonsiga (ID Card) ee Muwaaddin-nimada, isla markaana qofka qaadan waayaa uu iska lumiyey fursad qaali ah, kaasoo kasban doona inaanu ilmihiisa qofkaasi qori karin Iskuul ama Malcaamad, inaanu magaalooyinka Somaliland soo geli karin, inaanu goobaha Caafimaadka ee Cusbitaallada isagoo xanuunsanaya tegi karin, sidoo kalena Xawaaladaha iyo Baananka ka qaadan karin wax lacag ah haddii loogu soo diro.

“Illaahay mahaddii maanta waxaynu ku guulaysannay innagoo isku tashannay shacab iyo dawlad-ba, inaannu samayno Aqoonsi (ID Card) Somaliland ah oo aannu doonayno laba Shimbirood inaan ku wada dilno, midi waxa weeye si aannu u helno doorasho xor iyo xalaal ah oo qofku aanu helin inu laba goor is-diiwaangeliyo ama wax ka badan ee aannu helno hal Kaadh inuu qofku yeesho. Ta labaad waxa weeye in loo helo raad-raac si aannu u qancinno  Beesha caalamka iyo dadka nagala shaqeeya arrimaha nabadgelyada ama nabadgelyo-darrada ka hor-taga inaannu samayno qof kasta oo reer Somaliland ahi inuu helo Kaadhka Aqoonsiga.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay hadal ka jeediyey kulan shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayey Xeer loo dejinayey Xawaaladaha dalka oo Baanka dhexe soo diyaariyey.

Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay in Diiwaangelinta Madaniga ah ee Muwaaddiniinta Somaliland la qaban doono bilawga bisha Sagaalaad ee sannadkan oo ah bisha bishan aynu ku jirno ku xigta. waxaanu ku dooday in qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Somaliland muhiimad wayn leeyahay, ciddii qaadan waydana uu caqabad weyn ku noqon doono.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo sharraxaya Xuquuqda uu waayayo qofka qaadan waaya Kaadhka Aqoonsiga Muwaaddin-nimadiisa marka la gaadho bisha 9-aad ee sannadka 2014-ka, waxa uu yidhi; “Kaadhkaa Aqoonsiga waxa shuruud u ah qofka qaadan waaya wuxu waayayaa; 1- Uma suurta-galayso qofna haddii aanu haysan Kaadhka aqoonsiga inuu Xawaaladaha iyo Bangiyada Lacag ka qaato. 2- uma suurtagalayso inuu soo galo magaalooyinka Somaliland. 3- uma suurto-galayso inuu kiraysto ama uu seexdo Huteel. 4- uma suurtagalayso inuu Carruurtiisa Carruurtiisa geeyo Iskuul ama Malcaamad. 5- uma suurtagalayso xataa mararka qaarkood inuu isagoo xanuunsanaya si sahlan u tago Dhakhaatiirta. Sidaa daraaddeed, qof kasta oo reer Somaliland ahi wuxu ku qasban yahay marka laga bilaabo bishan soo socota kawdeeda inuu qaato Kaadhkiisii Aqoonsiga.”

“Kaadhkaa Aqoonsigu (ID Card) wuxu qayb wayn ka qaadanayaa oo uu aad wax u tarayaa Xawalaadaha Soamaliland. Wuxu qayb-wayn ka qaadanayaa nabadgelyada iyo Kalsoonida ay innagu qabaan Hay’adaha Lacagaha ee caalamiga ah ama kuwa ammaanka iyo nabadgelyada. Waxaynu ogaanaynaa qof waliba inuu yeelanayo raad, inuu yeelanayo Kaadh Aqoonsi, inuu yeelanayo Sawirkiisii, Aqoonsigiisii Indha, Faraha, halka uu deggan yahay iyo cidda masuulka ka ah intaba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha Mr. Waran-cadde mar uu ka hadlayey muhiimadda qaadashada Kaadhka Aqoonsigu u leeyahay dalka iyo dadka reer Somaliland, waxa uu yidhi; “Taasi waxay keenaysaa cid kasta oo khaladda ama la ogaado inay si khalad ah u dhex-gashay nidaamkii nabadgelyo ee Xawaaladaha ama is-weydaarsiga lacagta in si deg-deg ah lagu heli karo ama Hay’adaha dunida ee innala macaamilaa marka loo diro warbixinta ay si wanaagsan u ogaan karaan qofkaa lacagta qaatay inuu yahay dadkii la sheegayey ee 70%-ka ee ku noolaa Lacagta Xawaaladaha ay Ehelkoodu ugu soo dirayeen iyo in kale.”

Diiwaangelinta Madaniga ah ee lagu diiwaangelinayo, laguna tiro-koobayo Muwaaddiniinta rasmiga ah ee Somaliland u dhashay, ayaa qaban-qaabadeedu socotay tan iyo bilawgii sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka, waxaanu Madaxweyne Axmad-Siilaanyo u magacaabay diyaarinta hawshaas laba Guddi oo ay hoggaaminayso Wasaaradda arrimaha guduhu, taasoo Shirkad Qandaraas lagu siiyey Ramadaan ka hor qabashadeeda, ayay Xukuumaddu hore ugu muddaysay in la hirgelin doono bisha sagaalaad ee sannadkan 2014-ka, waxaanu hadalkan Wasiir Waran-cadde muujinayaa yididdiilo laga qabi karo inay diiwaangelinta Madaniga ahi bisha soo socota dalka ka qabsoonto.

Himilo