Mudane ka tirsan Goleyaasha Sharci-dejinta oo ka hadlay Ismaan-dhaafka Maamulka Dhulka Danta Guud ee Dhexmaray Maayarka Caasimadda iyo Xil Nac-nac

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabada muranka dhalisay ee xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah golayaasha sharci-dejinta ee Baarlamanka (Wakiillada) dhulka danta guud ah kaga doonayo dawladda hoose.

Md. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in maamulka dhulka dawladaha hoose uu sharciyeeyey xeerka gobollada iyo degmooyinka ee No.23, kaas oo xaq u siinaya golaha degaanka caasimadda inay ka taliyaan dhulka danta guud ah ee muranka ka taagan yahay, sidaasi darteedna waxa uu ugu baaqay xildhibaan Nacnac in aannu bulshada ka dhex abuurin dhaqan aan hore u jirin oo ah in degmo welba dhaqaalaha ka soo baxa wax loogu qabto.

Qoraal uu arrintaa kaga hadlay oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan;

Xildhibaan Maxamed 12“Waxaan waxyar ka odhanayaa hadallo uu warbaahinta kaga hadlay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ku saabsan dhul dan guud ah, waxaan leeyahay runtii may ahayn in aad ummadda la hortimaado ku xadgudub sharci adigoo ka tirsan Golayaasha sharci dejinta. Waa ayaan-darro in aad golayaasha degaanka aad ku qabsato shaqooyinkoodii iyo waajibaadkoodii, isla markaana karaamadooda ku tomato.

Xildhibaan waxaad sheegtay in aad 250,000 doollar u gaysay Maayarka Hargeysa oo aad tidhi dhulkaa danta guud ah naga sii oo uu kaa diiday, waxaannay u muuqataa in dhulka damac kaaga jiray, waayo haddii aad wado samayn kaa tahay lacagtaas kaashka ah ayaa ku dhisi lahayd. Waxa kale oo sheegtay in danta guud lagu qabto dan guud cidda u xilsaaranina waa golaha degaanka.

Waxaad sheegtay in waddada isku xidhayso Hargeysa iyo Balligubadle la samaynayo ma xuma aanse ku xusuusiyaa, marka u horreysa Golaha Degaanku wuxuu u taagan yahay waa danta guud ee bulshada, waxaanna tilmaamayaa xeerka No.23 gobollada iyo degmooyinka sida caadadu tahay dhismaha waddooyinka waxa iska kaashada dadweynaha, dawladda hoose iyo dawladda dhexe oo dhinac weliba waajibaad leedahay, tusaale ahaan dadweynuhu waxay iska ururiyaan hadba wixii ay awoodi karaan hadday daamur tahay, lacag ama qalab ugu yaraan 40 ama 50%, iyadoo Dawladda hoose oo leh xuduudo cayiman ay waajib waxa ku ah inay qaybteeda ka qaadato, halka dawladda dhexe ka qaadato hawsha dhismaha waddooyinka qaybta kaga beegan hadba inta ay ka awoodo dhaqaale ahaan.

Haddaba, iyadoo marxaladahaasi ay marto samaynta waddooyinku ayuu xildhibaan Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiilladu uu kala garanwaayey tii uu hayey iyo tii golayaasha kale waajibaadkooda ahayd.

Runtii laguuma diidana in aad shacbiga wax la qabato, laguuma diidana in aad talo ka gaysato horumarka, laakiin marnaba maaha in aad golaha degaankana ka dhigto niman cid gaar ah iyo meelo gaara iyo meelo gaar waxgeeya, mana jirto meel degmooyinka magaalada wax-soo-saarkooda loogu sargooyey adeega bulshada in loogu shaqeeyo.

Waxaan leeyahay Nacnac dhaqaalaha dawladda hoose ka soo gala Hargeysa waxa loogu adeegaa Hargeysa iyadoo aan la kala qaaqaadin, markaa ummadda ha u horseedin dhaqan-xumo iyo in degmo waliba dhaqaalaheeda uun wax loogu qabto.”

SOMALILANDPOST.NET