Mucaaradka Somaliland oo ka Arrinsaday waxa ay yeelayaan 26 June kadib iyo go’aamo Midaysan oo ay ka yeeshaan Muddo-kordhin

HARGEYSA (SLpost)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta ku bohoobay Madashada Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa bilaabay kulamo ay sheegeen inay kaga arrinsanayaan xaaladda dalku wakhtigan marayo, marxaladda doorashooyinka, waxa xiga haddii dib u dhac ku yimaaddo doorashada iyo sidii aan dalka iyo dadku khalkhal siyaasadeed u galeen.

mucaarad2Masuuliyintani waxa ay sheegeen inay soo saarayaan go’aamo ad-adag oo ka dhan ah qorshayaasha Xukuumaddu ku waajahayso doorashada iyo raadinta muddo-kordhin ay hesho.

Kulan ay albaabbadu u xidhnaayeen oo ay maanta Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku wada yeesheen Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad iyo Siyaasiyiinta Madashu oo saacado qaatay ka dib, waxaa Warbaahintu wax ka weydiisay waxyaabaha ay ka wadahadlayeen, waxaana sharraxaad Saxaafadda siiyey Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

HALKAN KA DAAWO