Djibouti (SLpost)- Xubnaha Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ugu jiray Baarlamaanka dalkaas, ayaa markii u horeysay muddo laba sanno ku dhow oo ay ka maqnaayeen iska xaadiray fadhi Khamiistii dorraad uu yahay baarlamaanku, ka dib markii heshiis dhexmaray dawladda Jabuuti iyo Mucaaradka dalkaas.
Mudaneyaasha ka tirsan Mucaaradka Jabuuti, ayaa Golaha ka maqnaa wixii ka dambeeyey Doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday bishii February ee sannadkii 2013-kii, wakhtigaas oo mucaaradka qaaddacay natiijadii ka soo baxday doorashadaas oo ay ku sheegeen in isbahaysiga uu hoggaamiyo madaxweyne Geelle ku shubtay doorashadaas.
HALKAN KA DAAWO