“Mucaarad iyo Muxaafidba Aan U Diyaar-garowno Xuduudkii Ingiriisku Inoo Dhigay” ~ Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha siddeedaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad muddo saacad ku dhow qaadatay ka jeediyey furitaanka shirka, waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo u badan wax-qabadka xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa, isagoo dhanka kalena ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo dagaalka Laascanaood.

Muuqaalka Hoose kaga bogo qayb ka mid ah Khudbadda madaxweynuhu maanta ka jeediyey shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.