Mo Farah iyo Mirqaanka Qaadka

London(SLpost)- Orodyahanka reer Somaliland  ee u ciyaara Britain haystana Horyaalka Orodka Adduunka, Mo Faarax oo Warbaahinta Britain la hadlay ayaa sheegay inuu hal mar cunay Qaad ama Jaad, isagoo Somalia ku sugan, xilligaasna uu ahaa intii aan UK laga mamnuucin Jaadka.

Mo Faarax oo dhawaan ku Guulaystay billadda Orodka Olympikada Adduunka ayaa mar wax laga weydiiyay eedda la xadhiidha inuu daroogo isticmaalay ayaa sheegay inuu Daroogo ugu dhawaaday Jaad/Qaad, markaasoo uu sheegay inuu si tijaabo ah u cunay.

Sidoo kale, Mo waxaa uu intaas ku daray in Caleemaha jaadka ruugay bishii August  ee Sannadkii 2003-kii, ka hor inta aan jaadka Britain looga Aqoonsan inuu qayb ka yahay Daroogada.

“Ujeedku wuxuu ahaa inaan tijaabiyo oo keliya; inuu la mid yahay Caleemaha geedaha oo kale… dhawr laamood ayaan ruugay… balse waxaan dareemay inuu ka duwan yahay… waxay ila noqotay sidii inaan cabay 10-koob oo Shaah ah,” ayuu sheegay  Mo Farah oo intaas raaciyay inuu aaminay in dadku ay jaadka u cunaan waqti lumis.

Orodyahankan Soomaaliyeed ee u orda dalka Britain ayaa sheegay in xilligaas aanu ku jirin wax tartan ah iyo sidoo kale tababar. Isagoo sheegay inaanay jirin wax daroogo ah oo uu Isticmaalay, balse wararkan la faafiyay ay yihiin kuwo la doonayo in Sumcaddiisa lagu Waxyeelleeyo.

Dhanka kale, Mo Farah ayaa sheegay inaanu wax khalad ah sameyn, isagoo ku sheegay wareysi uu siinayay Warbaahinta Britain in awoodda qofka ay ku xidhan tahay tababarka uu qaato iyo sidoo kale awooddiisa orod.

Waddanka Britain ayaa si rasmi ah looga mamnuucay Jaadka Sannadkii 2014-kii, kaddib markii hay’adda la socota Maandooriyaha UK ay qaadka u Aqoonsaday in uu yahay heerka Saddexaad ee Daroogada.