Miyuusikadii Astaanta u ahayd Wararka ka baxa Radio Hargeysa iyo SLNTV oo la beddelay iyo sababta keentay

Hargeysa (SLpost)- Miyuusikada Astaanta u ahayd Wararka Idaacadda Radio Hargeysa iyo telefishanka Qaranka, ayaa shalay si rasmi ah loo beddelay, kaddib markii ay isku mid noqdeen Astaanka Wararka ka baxa warbaahinta dawladda Somaliland iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

aaWasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta shir-jaraa’id ku shaaciyey go’aanka lagu beddelay Miyuusikada Astaanta u ah Radio Hargeysa, waxa uu sheegay in Miyuusikada hor-dhaca u ah Wararka ka baxa Idaacadda iyo telefishanku uu ka mid yahay Astaamaha Qaran leeyahay, idaacadaha Hargeysa iyo Muqdisho-na aanay isku Astaan noqon karin, sidaas awgeedna ay go’aansadeen inay Astaantan isticmaalkeeda uga guuraan warbaahinta dawladda Soomaaliya,

WARKAN OO FAAHFAAHSAN, HALKAN HOOSE KA DAAWO