MILLATERIGA BURKINA FASO OO AWOOD ISTICMAALAY

 

Mas’uuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku guuleysteen in ay la wareegaan xero milateri oo ay ku sugnaayeen ciidammadii ilaalada gaarka ee madaxtooyada ee ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay.

 

Ciidammada dawladda ayaa isku gaadaamay xeradaasi ka hor inta aanay hubka darandooriga u dhaca iyo tikniko u adeegsan si ay xeradaasi milatari uga saaraan ciidamada ilaalada khaaska ah ee madaxtooyada ee diiday in ay hubka dhigaan.

Tirada dadka ku waxyeeloobay dagaalkaasi ayaan ilaa iyo haatan la kala ogayn.

Mas’uuliyiinta ku meel gaadhka ah ayaa tallaabadaasi ciidammadu qaadeen u arka shaqo wanaagsan.

Hasayeeshee waxaa ilaa iyo haatan meelna lagu sheegi karin ninkii ka dambeeyay inqilaabkii dhawaan dalkaasi ka dhacay, Janaraal Gilbert Diendere oo kal hore ugu baaqay ciidammada khaaska ah ee ilaalada madaxtooyada in ay hubka dhigaan.

Haseyeeyshee waxaa lagu tuhmayaa in uu magan-gelyo ahaan u galay dhismo diblumaasiyadeed oo Vatican-ka halkaasi ku leeyahay.

Janaraal Diendere ayaa dhowr hay’adood oo kuwa warbaahinta ah u sheegay in uu diyaar u yahay in uu wajaho cadaaladda balse ilaa iyo haatan isma uusan soo dhiibin