Military-ga Sudan oo La Wareegay gacanta ku haynta Xarunta warbaahinta Dowladda

Khardoum (SLpost)- Ciidanka Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta warbaahinta dawladda ee Magaalada Omdurman oo ay gacanta ku hayeen xoogagga mucaaradka ee RSF, taas oo muujinaysa horumar la taaban karo oo xoogagga dowladdu ka gaadheen dagaalka.

Magaalada Omdurman oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan waddanka Sudan, kana tirsan gobolka gobolka Caasimadda Khardoum, ayaa ku taalla dacalka Galbeed ee Webiga Nile-ka.

Qabsashada dhismaha Warbaahinta Dowladda ee Omdurman, ayaa timid ka dib dagaallo culus oo bilo ka socday agagaarka xarumaha ciidamada, buundooyinka, iyo waddooyinka saadku maro ee gobolka caasimadda Khardoum.

Inkastoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqay in la joojiyo dagaalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddana waxa wali socda dagaallada labada dhinac, iyadoo kooxda RSF soo dhaweysay xabbad joojinta balse waxa ku gacan-saydhay Taliyaha Militariga Suudaan ku gacan-saydhay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanku waxa ay ku guulaysteen in ay waxoogaa guulo ah ka gaadhaan Magaalada Omdurman, iyaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda Ciidamada Cirka iyo madaafiicda culus ee ay u adeegsanayaa ciidamada lugta ee Kooxda RSF.

Gacan ku haynta ciidanka ee dhismaha warbaahinta dawladda, waxay kor u qaadday awood ay kor ugu sii socon karaan gudaha qaybta qadiimiga ah ee Magaalada Omdurman, inkasta oo RSF ay wali gacanta ku hayso koonfurta iyo galbeedka magaalada.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in ciidamadu ay diyaarado Drones ah geeyeen Magaalada Omdurman si ay dib ugu soo ceshadaan goobihii laga saaray, inkastoo aanay jirin weerar celin ka timi dhinaca kooxda RSF-ta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net