Militariga Masar oo dalxiisayaal dilay

 

Masar(SLpost)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegeysa in 12 qof oo ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay dalka Mexico si khalad ah loogu dilay hawlgal ka dhan ah mintidiinta oo milatariga iyo booliska dalkaasi ay ka fuliyeen lama degaanka ku yaal galbeedka dalkaasi.

150914020226_cn_egypt_army_512x288_reuters_nocredit

Bayaan ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalxiisa-yaashu ay ku sugnaayeen dhul ka cagagan in la galo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in dalxiisayaasha u dhashay dalka Mexico ay ku safrayeen kolonyo baabuur ah.Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban boolis iyo milateri ayaa xilligaasi waxa ay goobta uu shilka ka dhacay ku baacsanayeen kooxo mintidiin ah.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si kama ah u bartilmaameedsadeen dalxiisayaashani oo ku sugnaa aag ka caaggan in la galo, waxaana la billaabay baaritaan ku aadan arrintaasi.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha mintidka ah.Waana halka laga galo xudduudda dheer ee dalkaasi uu la wadaago dalka Liibiya, halkaas oo hubka uu aad ugu badan yahay.

Shalay oo Axad ahayd ayaa kooda Dowladda Islaamiga ah ee dalka Masar waxa ay sheegtay in ay iska caabisay hawlgal milateri oo ka dhacay dhulkaasi saxaraha ahi.Sidoo kale koox sheegatay in ay xiriir la leedahay kooxdaasi Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ku sugun tahay aagaasi oo u dhow xudduuda dalka Liibiya.Inkastoo kooxaha kacdoon wadayaasha ahi ay inta badan weerarro ku bartilmaameedsanayeen booliska iyo milateriga ku sugan gacanka Siinaay, haddana waxaa u suurtagashay in ay weerarro culus ka geystaan lama degaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi Masar.

Ugu yaraan 21 askari ayaa halkaasi lagu dilay bishii Luulyo ee sanadkii tegay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidamadu u tiilay jid-gooyo.